• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Wadahadaladii Dhaqanka Oo Markale Fashilmay Iyo Ifaalo Amni Daro Oo Calaamadahiisii Soo Muuqanayaan Caawa


bk.jpg

Boorama-(giriyaadnews)-Wararka ugu dambeeyay ee ka imanaya ilo ku ag dhow goobaha wada hadalada arimaha xiisada dhaqanka lagu gorfaynayay ayaa waxa ay sheegayaan in uu burburay kadib markii la isku maandhaaf qaaba loo xalinayo arintaasi. Burburka isku dayga wada hadaladan ayaa waxa ay sababeen inay soo muuqdaan ifafaalooyin muujinaya in xiisadu ay faraha ka baxayso isla markaana uu amnigu noqonayo mid aan la isku hayan karin.a

Waxa kale oo ay wararku intaas ku darayaan in wada hadaladu aay burbureen kadib markii ay laba garab isku diideen meesha laga bilaabayo arinta iyo waliba qodobo ka mid ah kuwa ay ergada dhexdhexaadintu miiska soo dhigtay oo ay kamid ahaayeen in lagu horeeyo arimaha soo dhawaynta Mud. Cabdirashiid dibna loo dhigo dib ugu laabashada dhaqanka.

Kala fogaashaha garabyada caawa wada hadlayay ayaa waxa ay sababeen in ay burburaan wada hadaladu isla markaana ay fashiliyaan mawqifka ergada culimada dhexdhexaadinta waday, waxa kale oo ay tani sababatay in ay garabyada is ka soo horjeeday la arko iyaga oo aad ugu murmaya barxadaha goobahii ay ka socdeen wada hadaladu isla markaana dulucda doodoodu ay ahayd “Qasab ayaan ku keenaynaa iyo keeni kari maysaan”.

Gudaha magaalada Boorama ayaa lagu arkayay in ay xaaladu kacsan tahay waxana ay arimahan oo dhani ku soo beegmayaan waqti ay Boorama joogaan masuuliyiin sare oo ka socda dawlada isla markaana waxa xukuumada lagu dhaliilayaa in ilaa hada aaanay qaadin talaabooyinkii ku haboonaa ee arimaha amniga wax kiigaga qabanayay.

giriyaadnews.com  boorama

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: