• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Xukuumada Oo Ka Baaqsatay Ku Dhawaaqista Go’aamadii Lagu Heshiiyay


images3.jpg

Boorama-(giriyaadnews)- Waxa baaqday kudhawaaqid lagu balansanaa in xukuumadu ay ku dhawaaqdo go’aamadii ka soo baxay xalintii muranka dhaqanka. baaqashadan aya waxa loo sababaynayaa in ay madasha ka maqnaadeen salaadiintii maanta arimaha khilaafkooda la dhameeyay kuwaas oo aanan la sheegin sababta ay ku maqnaadeen.

Wasiirka gaashaan-dhiga Somaliland Mud. Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ku dhawaaqay in kulankani dib u dhacay isaga oo si gaar ah ula hadlaya cida ay arintu khusaysay ayaa waxa uu yidhi ” Ma aha inaan kaligayo ku dhawaaqno go’aanka waxa haboon inay goobjoog ahaadaan cida ay khusaysay oo ah sedexdii suldaan ee aan arintooda dhamaynay waxana aan tilmaamayaa in ay haboontahay in aan caawa iska nasano bari subax 9kana aan ku dhawaaqno go’aanka.

Wasiirku waxa kale oo uu amar ku siiyay xoghayaha d/hoose ee Boorama inuu keeno nuqul ah qodobadii lagu heshiiyay maanta si loogu qaybiyo barito saxaafada. waxakale oo uu masuuliyiinta gobolka ka codsaday in ay hawlaha fududeeyaan barina suurto galiyaan in la helo dhamaan cida ay khusayso si go’aamada heshiiska ah loo shaaciyo.

giriyaadnews boorama

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: