• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Shirweynihii Rajada Soomaaliya Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Magaalada Oslo Ee Norway + Sawiro


Sep 14, 2011 Oslo (giriyaadnews) – Shirweynahan oo ay ka qeybgaleen dadweyne oo aad u faro badan oo isaga kala yimid Dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ayaa waxaa looga hadlayay xaaladda uu haatan ku sugan dalka Soomaaliya iyo sida ay dadka Soomaaliyeed uga bixi karaan Mushkiladda ay ku jiraan.

Shirweynahan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Daryeel ee xaruntiisu tahay dalka Norway ayaa waxaa ka qeybgalay oo lagu weyneynayay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), Farshaxamiistaha Amiin Caamir, Fanaanadda Saada Cali Warsame iyo Fannaaniinta Kooxda Qeylo-dhaan.

Ka qeybgalayaasha shirka, gaar ahaan intii lagu sharfay in ay cod baahiyaha ka hadlaan ayaa waxay si qoto dheer uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo marxaladihii kala gedisnaa ee uu soo maray tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore, si gaar ahna waxay uga hadleen faragelinta shisheeye ee uu tallaabsan la’ yahay dalka Soomaaliya.

Intii uu socday shirka waxaa heeso wadaniyad ay ku dheehan tahay ka qaadayay Fanaaniinta Kooxda Qeylo-dhaan iyo Fanaanadda Saada Cali Warsame, kuwaasi oo heesaha ay ku luuqeynayeen ay dadka aad uga heleen, bacdamaa ay heesuhu ka hadlayeen ama tilmaamayeen xaaladda dhabta ah ee dalka Soomaaliya.
Shirka oo weji wanaagsan ku dhacay ayaa wuxuu ahaa mid aad looga qeybgalay.

Maxamed Tareek (Wiilwaal)
wiilwaal47@gmail.com
Oslo, Norway

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: