• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Xubnaha Ururka TOLKA Oo Shahaado Sharaf Ay Ku Maamusayeen Waxqabadka Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed Caawa Gudoonsiiyay Xidhitaankii Shirka +SAWIR


Boorama-(GDN)Hormuudka Kuliyada Ardayda iyo xidhiidhka Bulshada ee Jaamacada Camuud Prof. Maxamed Maxamuud Jaamac ayaa waxa uu ka waramay taariikhdii Prof. Saleebaan oo aad u kooban waxana isaga oo kaftan ku bilaabay hadalka uu yidhi

“Waxa uu ku dhashay Jaare waqyti aad u fog, dugsiga dhexe iyo sare Camuud ayuu ka baxay, America ayuu waxbarasho u aaday , 1968 dugsigii sare ee Camuud ka noqday maamule, Sanadkii 1972 ayuu noday Agaasmihii dugsiyada sare ee Somalia, Ingiriiska ayuu waxbarasho u aaday, kadibna waxa uu noqday hormuudkii kuliyadaii waxbarashada ee Lafoole,

Burburkii waxa uu tagay Ethiopia, waxana uu noqday mid ka mid ah  ragii cagaha u taagay hormarka Ethiopia ee manta

Waxa uu noqday Gudoomiyaha Jaamacada Camuud tan iyo bilowagii, wixii intaasi ka dambeeyay waxa uu noqday mid ka dhex muuqda hormarka waxbarashada ee Somalilane iyo Somalia, Waa qof jecel hormarka dhinaca waxbarashada ah.

45 sano ayuu macalin yahay, waxa uu haystaa 21 Shahaado sharaf oo uu ku mutaysatay hormarka waxbarashada, waxaan  leyahay aan u ducayno caawa.

Waxaan caawa u dirayaa dhamaan bahda waxbarashada iyo aqoonyahanka, waxana aan leeyahay caawa waxa an ugu yeedhaynaa Prof. Saleebaan Aabaha Tacliinta Sare ee Gayiga Somaalida

Gudoomiyaha TOL Yuusuf Aadan Qaalib ayaa micneeyay shahaadadan iyo waxa uu ku mutaystay waxana uu yidhi “Waxa loogu magac daray shaadadan Abwaan Xasan Sh. Muumin AHUN, waxa uu abwaanku ahaa mid taarikhda fanka si wayn ugu abtirsada, Waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee sameeya ruwaayad lagu tarjumo ingiriisi,

Waa sanadkii ugu horeeyay ee aan bixino biladan waanay sii socon doontaa, markii aan Prof. Saleebaan siinaynayna waxa ana darisnay 3 arimood oo kala ah 1. Inuu yahay mid ka soo dhex baxay jiilka uu la nool yahay guulna ka soo hooyay 2. Inay ku qaadatay mudo dheer inuu gaadho halkaasi, 3 inuu yahay mid hawshaasi uu hayayay ay bulshada si qoto dheer u taabatay noddeena kuwo jiilka soo koraya si baadhan uga dhaxashay

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo hadalka qaatay ayaa ka mahadnaqay abaalmarintan la siiyay, waxana uu yidhi aad baan uga mahadnaqayaa shahadadan xusuusta ah ee Xasan Sheekh Muumin, Waxa aanu gudoomayaa si mutadawacnimo ah uma malaynayo inaan kaligay ku ahay ee waa la ila wadaagaa hawshaasi, waanad mahadsan tihiin.

Shaadadan 2 arimoo dayay I tusaysaa oo kala ah 1. Taariikhdii Xasan SH. Muumin oo ahaa abwaan qaali ah oo bulshada ka soo dhex baxay,mida labaad ayaa waxay atahay inay jidaynayso wax wanaagsan oo ah in la isku abaal mariyo wanaaga lana xuso qofkasta oo wax qabsada.”

Boorama/Giriyaadnews/Somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: