• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Madaxwaynaha Somaliland Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo U Kicitay Dalkaasi Itoobiya Si Ay Uga Qaybgalaan Aaska Qaran Ee Loo Samaynayo Raysal Wasaare Malez


Hargeysa-(GDN) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka u kicitimay dalka Itoobiya, halkaasi oo ay Axadda bari kaga qeyb geli doonaan aaska Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanawi, oo laba todobaad ka hor geeriyooday.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weftigiisa xubno ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), waxa marti-qaad rasmi ah ka heleen dawlada Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo ka dhoofay madaarka Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay magaalada Adis-ababa kaga qeyb galayaan aas balaadhan oo loo samaynayo Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanawi, kaasi oo lagu soo marti-qaaday.

Madaxweynaha waxa madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka mid ah goleyaasha qaranka.”

Giriyaadnews/Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: