• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Madaxtooyada Dawlada Soomaaliya Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamtay Warka Sheegaya In R/wasaaraha Soomaaliya Loo Magacaabay R/Wasaarihii Hore Farmaajo +Sii Akhri


Muqdisho-(GDN) Iyadoo saacadihii u dambeeyay ay qabsadeen Ra’yul caamka warar sheegaya in Ra’iisul Wasaare loo magacaabay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa saacado kadib wararkaas baro-bagaandada u badnaa laga beeniyay Madaxtooyada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Suldaan Axmed Faarah Seed ayaa sheegay in warkaas aanu aheyn mid si rasmi uga soo baxay Madaxtooyada, isagoo been abuur ku tilmaamay in la magacaabay Ra’iisul Wasaare.

“Warkaas ma ahan mid rasmi ah oo Madaxtooyada ka soo baxay, mana jirto wax cusub oo is bedel ah, Madaxweynaha wali wada tashiyadii ayuu wadaa”ayuu yiri Suldaan Axmed Faarah Seed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu qeybaha kala duwan uu wada tashi la wado, isla markaana ay mugiim tahay in laga war sugo waqtiga saxda ah ee uu ku dhawaaqo Madaxweynuhu.

Waxaa uu uga baaqay in Ciidamada inay ilaaliyaan ammaanka oo aan laga faa’ideysan, isagoo ku war geliyay in xaalada lagu jiro la eego.

Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa soo galay suuqa warar sheegaya in Ra’iisul Wasaare loo magacaabay Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo markii warkaas uu faafay magaalada ay meel walba ka bilaabatay rasaas ay ridayeen Ciidamada dowladda oo u muuqday kuwo ku dabaal degayay.”

Giriyaadnews/Muqdisho/Soomaaliya

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: