• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Halkan Ka Daawo Dhacdo Naxdin Leh Oo Ka Dhacday Magaalada Toronto Ee Dalka Canada Ka Dib Markii Gabadh Soomaali Ah Jiidhsiisay Gaadhi Gabadh Yar Oo Ay Walaalayihiin.


 


Toronto-(Giriyaadnews) Dhacdo naxdin leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Toronto ee dalkaas Canada ka dib markii gabar Soomaali ah ay jiirsiisay oo ay ku dhufatey gabar kale oo walaasheed ah baabuur ay wadatey arintaas oo keentay inay gabadhaas ay u dhimato dhaawacyadii ka soo gaarey shilkaas.

Fartun Cabdulle oo ahayd gabar 17 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay u dhimatey dhaawacyadii ka soo gaarey ka dib markii uu jiirey baabuur ay wadatey gabar walaasheed ka weyn ah oo lagu magacaabo Faa’sa Cabdulle oo 18 sano jir ah, gabadhaan dhimatey ayaa waxaa la sheegay inay ku socotey iyada saaxiibadeed wadada geeskeeda ama marshabiyeediga halkaas oo aan sabab aan la aqoon uu ugu tegay baabuurka ay wadatey walaasheed ka dibna intuu ku dhacay uu waliba sii jiitey taas oo keentay inuu gabadhaas uu halkaas ka soo gaaro dhaawac halis ah oo keentay inay ugu dhimato dhaawacyadaas soo gaarey isbiaalka, Gabadhaan weyn ee geysatey shilkaas ayaa waxaa la sheegay markii uu falkaas dhacay inay naxday oo uu ku dhacay argagax iyadoona meesha la fariisatey oohin, qaar ka mid ah gabdhaha saaxiibadeed ayaa waxaa laga soo wariyey inay gabadhaan sheegtay inay rabtey inay fariin qabato laakiin ay sii sheelareysay baabuurkii taas oo keentay inuu ka dhumo koonroolkii baabuurka.

Ugu danbeyntiiina iyadoo uubooliisku wali baaraayo sida ay wax u dhaceen ayaa Hibaaq Geelle oo u hadashay qoyskaas waxay sheegtay inay gabdhahaas walaalaha ahaa ay walaalanimada ka sukoow ay ahaayeen kuwo saaxiibo ah oo aad iyo aad isu jecel isuguna dhawaa, Gabadhaan shilkaas sababatey oo ay booliisku xabsiga dhigeen ayaa waxay arintaan ku noqotey mid lama filaan ah iyadoona uu ka muuqday naxdin iyo argagax xilli ay booliiska u sharxaysay sida ay wax u dhaceen sida uu sheegay Kowneyn Xuseen oo ay qoskaas isku dhow yihiin, qoyska ay ka dhasheen gabadhahaan oo la sheegay inay ka koobnaayeen ilaa 9 caruur ah ayey alalah u naxariistee ay gabadhaas dhimatey ka mid ahayd caruurtaas, Soomaalida ku dhaqan halka ay qoyskaas degenaayeen ayaan u kala harin ka qeyb galka aaska gabadhaas oo lagu aasay qabuurha Beechwood ee magaaladaas maalintii isniinta ahayd ee aan ka soo gudubney.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: