• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Khuburo Caalamiya Oo Ku Xeel Dheer Baadhitaanada Qubuur Jamaaciyadii Waqtiyo Hore Dad Lagu Aasay Xasuuqii Ka Dhacay Magaalada Hargeysa Ee Ay Gaysteen Rajiimkii Siyaad Bare Oo Somaliland Yimid+SAWIRO


Hargeysa-(Giriyaadnews) Baadhayaal caalami ah oo ku takhasusay baadhitaanka Xasuuqyadda dunida ka dhaca ayaa maanta booqdday Xabaal wadareed ku taala goobta badhka ee Magaaladda Hargeysa oo ay ku aasan yihii Lafaha 43 Qof oo reer Somaliland ah, kuwaas oo sanadkii 1984-kii Ciiddamadii Talisii Siyaad Barre ku laayeen goobtaa ay Lafahoodu ku aasan yihiin.

Kooxdan Khuburada ah oo la yidhaahdo Peruvian Forensic Anthropology iyo Xukuumadda Somaliland ayaa ka furay Barnaamij tababareed ku saabsan raadinta xasuuqyada caalamiga ah caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Baadhitaanadan lagu samaynayo Xasuuqii taliskii Siyaad Barre u geystay Shacabiga reer Somaliland ayaa socon doono September 24 ilaa 21 Oktoobr 2012, waxana baadhayaashan la wadaagi doonaan waayo aragnimada dunida inteeda kale mudadaasi uu socdo barnaamijku. Waxa ay ku wargelin doonaan madaxdooda oo ay daaha ka rogi doonaan intii ku baxdey iyo intii lagu waayay xasuuqyadaasi, waxayna dunida tusi doonaan geedi socodka xaqiiqo raadinta iyo baadhista xasuuqyadii iyo gaboodfalyadii biniu’aadanimo ee ka dhacay Somaliland, kuwaas oo u ogoolaan doona in ay ka gungaadhaan runta iyo caddaaladda qoysaskii ay waxyeelladu ku soo gaadhay.

Kooxda ayaa qiimayn hordhac ah ku samaysay goobihii xabaalo wadareedyada badhka ee Koonfurta Hargeysa ayaa beri bilaabi-doona inay sii faqaan Lafaha 43 Qof oo goobtaaas ku aasan, isla-markaana ay baadhitaano ku samayn-doonaan, waxaana hor kacayey Guddoomiyaha Guddida dabo-galka xaquuqa Somaliland Khadar Axmed Like iyo Guddoomiye ku xigeenka Yuusuf X. Maxamed Mire (Qurbaawi).

Bishii Abril ee Sandkii 1997 ayaa khabiiro ku xeel dheer xaquuqal insaanka, waxa ay ku sameeyen qiimayn goobaha xasuuqa xabaalo wadareedyada, inkasta oo ilaa boqol goobood oo laga war hayay ay eegeen haddana laba goobood oo xabaalo wadareedyo ah ayaa si gaar ah ay u sunteen khabiiradu, kuwaas oo kala ah dugsiga hoose ee Malko-durduro iyo goobta badhka.

Imaanshaha kooxdan baadhayaasha ah ayaa waxa ka dambeeyey inay dalka yimaadaan Cabdicasiis Maxamed Ii doo ka mid aha Muwaadintii Dacwadda ku oogay Madaxweyne ku xigeenkii taliskii Siyaad Bare oo Maxamed Cali Samatar.
HPIM7195

HPIM7198

HPIM7194

Giriyaadnews/Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: