• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

GURYAHA QARANKA EE XUKUUMADDA SIIRAANYO UGU BALLAN QAADDAY INAY KA GADAYSO DAHABSHIIL, IYO HANTIKUXOOGLAYAASHA. QARANKU WUU DABAJOOGAA HANTIDAAS SHARCIDARRADA LOO ADEEGSADAYL CIDKASTA OO HUNGURAYSAANA CALFALMAYSO HANTA QARAN.


UK-(Giriyaadnews)-Waxaa la yaab ah in xukuumada loo igmaday inay qaranka u shaqayso, ay maalinba hantida qaranku leeyahay si xishoodku ka maqanyahay ugu talaabsato inay dad u xaraashto. Waxaan weli inna soo marin maamul inta uu wax ku kordhin lahaa, guryaha qaranku leeyahay, ay isku dayayso inay baabah ka dhigto, shanta boqol ee guri ee hargaysa ku yaalla, iyo labada boqol ee guri ee berbera ka dhisan, ee dawlad kasta oo dalka ka dhalataa waxay ku darto mooyaane, aanay dhicin in xukuumadina tidhaa waan xaraashayaa, iyada oo dhulka kale ee dawladdu leedahay uu intaa ka badan yahay. Lama garanayo ujeeddada ka dambaysa guryaha qaranka ee sida tudhaal la’aanta ah, xaraashka loo galinaayo, ee looga faa’iidaynayo, loona badheedhayo in la hawaysto dhaxalwareejin qaran la sameeyo. Dadka hungurigoodu gayaysiiyay in maamulka dalka joogaa u boobo guryaha qaranka, ee moodaya inay hantida qaranka haysan doonaan, oo ay u xalaaloobaysay, musuqmaasuq kasta, iyo xeeladkasta oo ay adeegsadaanba. Ma dhici doonta guryaha qaranka in si dhibyar dad looga xaraasho, oo ay hanti u noqondoonto. Mana dhacayso, in cid kasta oo guryahaas qaranka bililiqadooda ka qayb gashaa, ay ku caanomaasho, oo mahadiso, ee ninkasta oo guryahaa taliska joogaa waraaqo ugu sameeyaaba uu berry, sannad iyo laba ka dib marka xukuumaddani  guurt o, laga soo celin doono. Qof kasta oo guryaha qaran hunguri ka galo, ama abaalgud loo siiyo. Waxaynu ognahay xukuumadda ku faanaysa inay dhaqaalaha dalka kor u qaadday, eek u baanta inay shaqaalaha u labanlaabtay mushaharkii, inay maatada iyo dadka itaalka daran daaradaha ay dasooyinku uga dhisan yihiin, caqaf galiso, iyada oo dad dhulbooba u bannaynaysa, si ay ugala wareegaan, hoyga yare e ay agoonta ku korsadaan. Waa tallaabada aan cidna lagaga tegi doonin, in uu xataa guryaha qaranku leeyahay damco inuu hanta gaara ka dhigto. Ma dhici doonto in dhayal, iyo afgobaadsi dad si gaara wax loogu rabo, loo xaraasho guryaha qaranku toddobaatan sano iska lahaa, ee aan duugoobaynin. Hanta qaranna ma duugawdo, haddii dad manta filayaan inay iibsadaan,  guri ummadeed, iyada oo abaalgud xukuumaddu uga dhigayso, ama qaraaba kiil ugu wareejinayso.

Golaha baarlamaanka iyo golaha guurtidu haddaanay faragalin ku samayn ceebta, iyo boobka manta ka socda qaranka Somaliland, oo ay waajibkooda gudan waayaan, hantida qaranka ee xukuumaddu sida badheedhka u bililiqaysanayso, ee xaraashka baahi loo qabo, oo guryahaa looga maarmaana aanay jirin, ay ka joojin waayaan waallida maamulka ka dhex socota, ay noqondoonto mid saamayn wayn ku yeelata wax wada lahaanshaha iyo hanta qaran oo nabad gasha.

Waxaa muuqata in maamulka xukuumadda siiraanyo rabo in dalkani aayabeelo, oo qaranka la dhaxalwareejiyo, dad gaarana looga faa’iideeyo, dhaawac kasta oo ay qaranka u leedahayna laga horraysiiyo, dad raba inay qaraaba kiil, iyo tabkasta ku helaan dhul qaranka ka dhexeeya.

Haddaan golayaasha qaranku arrintaa wax ka qabanna waxaa dhici doonta inaanay iyana sidaa golayaal u ahaandoonin, dawlad iyo qaran Somaliland ahina sii jiridoonin.

Maaha in waxkastaba lagu tallaabsado, oo digreeto xaaraan ah, iyo awood loo miciinsado. Ee waxay noqonaysaa in ummaddu way samirtay in ku filan eh, ay joogsato falalka xaaraanta ah ee aan sinaba xalaal u noqondoonin.

Guryaha qaranku lahaa siddeetan sano, iyo kabadan , ma dhacayso in dad manta xaraash ku hantiyaa ay mahadin doonaan, oo ay gacantooda ku raagayaan, mana lumo hanta qaran dhammi ilaashanayaa.

Axmed Oogo

haramaaye@gmail.com

London U.  K.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: