• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Madaxwayne Siilaanyo Oo Caawa Wax Ka Badal Ku Sameeyay Hay’adaha,Samafalka Madaxtooyada,Dalxiiska,Dhaqanka, Hantida Ma Guurtada Iyo Hay’ada Wadooyinka Somaliland Ee SRA+Sii Akhri


undefinedWar-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1368/102012 oo uu soo saaray caawa uu ku cadeeyey saddex waaxood oo ka kala tirsanaa saddex wasaaradood, haatana laga bedelay oo wasaarado kale la hoos geeyey.

 

Madaxweynuhu:-

 Markuu arkay;  Qodobka 90aad fagradiisa 3aad, xarafka (kh) ee Dastuurka  

                                   Jamhuuriyadda Somaliland,

 Markuu arkay;  In baahi weyn loo qabo dardargelinta,  maamulka iyo hawlaha

                                    horumarineed ee Hay’addaha iyo Wasaaraddaha Dalka,  

 Markuu tixgeliyey;        Talooyinkii Mas’uuliyiinta kala duwan,

 

Wuxuu soo saaray Xeerkan

 

1.         Hay’adda sama-falka Madaxtooyadda waxaa la-hoosgeeyey Wasaaradda Dib-u-dejinta.

2.      Waaxda Dalxiiska oo hore uga tirsanayd Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaa la-hoosgeeyey Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo iminka wixii ka dambeeya loogu yeedhayo Wasaaradda   Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.

 3.      Waaxda Dhaqanka oo hore uga tirsanayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha , waxaa la-hoosgeeyey Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi Gelinta oo iminka wixii ka dambeeya loogu yeedhi doono Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo  Wacyigelinta

 ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

ALLAA MAHAD LEH

04/10/2012

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadiisu tahay  JSL/M/XERM/249-1367/102012,  ka soo saaray Hantida Ma-guurtada ah ee Dawladda:

 Madaxweynuhu:-

 Markuu arkay;  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 Markuu arkay;  Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,  

 Markuu arkay; Xeerka Dhulka X. Lr. 17/2001,

 Markuu tixgeliyey;        Wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay JSL/W/W/236-747102011,

                                    Kuna taariikhaysan 16/10/11,

 Markuu tixgeliyey;        Xeerarka Dalka ee la xidhiidha Hantida Dawladda iyo lahaashaha,

 Wuxuu soo saaray Wareegtadan

 Qodobka 1aad

 1.         Waxa mamnuuc ah qofka gacanta ku haya Hantida ma-guurtad ah (sida Dhulka iyo Dhismayaasha Dawladda) inuu ku tagri falo iyo in uu qof kale ku wareejiyo.

 2.      Waxaa la joojiyey dhismaha dhulka shacabka iyo guryaha dawladda ee aan dawladu gacanta ku hayn. Waxa reeban in magdhaw la siiyo cid kasta oo dhisatay Dhulka dhismaha ka caagan (Dhulka Danta Guud ah, Dhulka Shacabka, Dhulka Garoomada diyaaradaha ku gedaaman, Dhulka Xeryaha Ciidammada, Iskuullada iyo Garoomada Ciyaaraha) mudadii ka danbaysay wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay N0: 004/2003.

 Qodobka 2aad

 In aan magdhaw la siin Qofka dhistay, dhalan-roggay ama si uun wax ugu daray Hantida ma-guurtada ee Dawladda, mudadii ka danbaysay wareegtada Madaxweynaha ee summadeedu tahay N0: 004/2003.

 Qodobka 3aad

 In gacan ku haynta Hantida Ma’guurtada ah ee dawladda ee shacabku gacanta ku hayo, lagu soo celiyo gacanta dawlada, waxaana loo saari doonnaa Guddi u gaar ah.

 Qodobka 4aad

 Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, waxaa la faraya inay fuliyaan awaamiirta ay wareegtadani xambaarsantahay. Sidoo kale, dhammaan Taliyayaasha Ciidammada ee Qaranka iyo Booliiska, waxa la faraya inay gacan buuxda ka siiyaan Wasiirrada hirgelinta wareegtadan. 

 ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 ALLAA MAHAD LEH

04/10/2012

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1369/102012, oo uu soo saaray caawa uu ku cadeeyey in  Hay’adda Waddooyinka Somaliland (SRA), la hoos geeyey wasaaradda Madaxtooyada JSL, Magaceeduna uu noqon doono Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Agency (RDA)

 Maxdaxweynuhu:-

Markuu arkay;              Qodobka  90aad  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 Markuu dersay;                        Baahida loo qabo in La dejiyo Hay’ad si wax tar leh wax uga qabata sahaminta, horumarinta, dhisidda iyo qorshaynta Wadooyinka cusub ee isku xidha Magaalooyinka.

 Markuu tixgeliyay;                    Ahmiyadda weyn ee  Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha dalka JSL,

 Markuu tixgeliyey;                    Talada Wasiirka Wasaraadda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka iyo La-taliyaha Hay’adda Waddooyinka,

 Markuu garwsaday;                  Inay tahay waqti ku habboon in la dhiso Wakaalad horumarisa oo daboosha baahida waddooyinka,

 Isago maanka ku haya; Dib-u-habaynta, Horumarinta Hay’adda Wadooyinku in ay                                                       Qaranka muhiim u tahay,

 Wuxuu soo saaray Xeerkan

 Qodobka 1aad;   

1.         Waxa uu  tirtiray Guddida Maamulka Waddooyinka

                                          (RoSAB), Hay’adda Waddooyinka Somaliland (SRA), iyo

                                          Sanduuqa Dhaqaalaha Wadooyinka (RFA).

2.      Waxa uu laalay Wareegtada  Madaxwayne ee sumadeedu tahay No.29/32000  ee soo baxday 6 March 2000.

3.      Hawsha dayactirka waddooninkana, waxa uu Xeerkani u wareejiyey Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta JSL, dakhliguna waxa uu uga imanaya qaybta ay ku leedahay (%) Cashuurta wado marista (R/Levy), Liisamada Gaadiidka (L/Levy) iyo wixii Deeq dayactir ah ee laga helo deeq-bixiyayaasha. 

 Qodobka 2aad;   Waxa Xeerkan lagu aasaasay Wakaaladda Horumarinta

                                    Waddooyinka (Road Development Agency (RDA)) oo hoos

                                    imananaysa Wasaaradda Madaxtooyada JSL, isla markaana

                                    yeelanaysa Maareeye Guud.

 Qodobka 3aad;   Wakaaladan waxa loo aasasay si ay u horumariso  shabakadda

                                    wadooyinka Qaranka (National Road Network),  una dejiso

                                    hannaan lagu horumariyo waddooyinka.

 Qodobka 4aad;   Xilka  iyo waajibaadka   Wakaaladdu  waa;

 1.         Isku duwidda barnaamijyada horumarineed ee Waddooyinka Somaliland.

2.      Sahaminta, isku xidhka  iyo dejinta hannaanka  dhismaha Waddooyinka.

3.      Isku duwidda iyo isku habaynta barnaamijyada ku aaddan horumarinta Waddooyinka.

4.      Maamulidda deeqaha iyo hantida  lagu horumarinayo  Waddooyinka.

5.      Hubinta in hantida loo isticmaalay hab sax ah oo waxtar u leh Waddooyinka.

6.      Ka talo-bixinta arrimaha la xidhiidha qorshaynta, dhisidda iyo hagaajinta Waddooyinka.

7.       Diyaarinta siyaasad qaran oo ku aaddan horumarinta Waddoyinka. 

8.      Codsashada kaalmo gudeed iyo mid dibedeedba.

9.      Maamulidda maaliyadda iyo samaynta xisaabo u gaar ah.

Qodobka 5aad;  

 1.         Maareeyaha Wakaalada  waxa soo magacaabaya Madaxweynaha JSL.

2.      Mareeyaha Wakaaladdu  waa sarkaalka maamulka iyo maaraynta Wakaaladda.

 Qodobka 6aad;   Maareeyaha wakaaladdu  wuxuu u xilsaaran yahay:

1.         Fulinta go’aamada ka soo baxa Wasaaradda.

2.      Wadidda hawl maalmeedka Wakaaladda.

3.      Haynta raadraaca  xisaabaadka, iyada oo la raacayo hab xisaabeedka laamaha dawladda.

4.      La-saxeexidda jeegagga iyo foojarada Wasiirka iyo Agaasimaha Maamulka (Waxay ku baxayaan saddex saxeex), maamulidda maaliyadda iyo miisaaniyadda.

5.      Diyaarinta warbixin sandeedka Wakaalada.

 Qodobka 7aad;

1.         Wakaaladdu waa in ay diyaarisaa warbixin sanadeed iyo xiligii loo baahdo, warbixintaas oo koobaysa  wax-qabadka iyo hab-xisaabeedka Wakaallada.

 Qodobka 8aad;               Qorista  shaqaalaha Wakaaladda waxa loo raacayaa Xeerka

                                                Shaqaalaha Dawladda

Qodobka 9aad;  

 1.         Dakhliga Wakaaladdu waxa uu ka imanaya  qaybta ay ku leedahay miisaniyadda Qaranka, qaybta ay ku leedahay Cashuurta Shidaalka (F/Levy)  iyo wixii deeqo ah ee soo gala.

 2.      Habka maamulka maaliyada waxa loo racaayaa hanaanka Xeerarka maaliyada ee dalka. 

 Qodobka 10aad;              Wakaaladu waxay yeelanaysaa waaxaha lagama

                                                Maarmaanka u ah hawl gudashadeeda, waxaana Xeer ku

                                                soo saaraya Wasiirka.

 Qodobka 11aad;               Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa marka Madaxwaynuhu

                                                Saxeexo.

 ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 ALLAA MAHAD LEH

 

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: