• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Maanta Gudi Wasiiro Ah U Magacaabay Fatahaadihii Dhawaan Ka Dhacay Magaalada Baladwayne Ee Gobolka Hiiraan+SAWIRO


Muqdisho-(GDN) Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii wax looga qaban lahaa masiibada ka dhacaday magaalada Baladweyn, iyo Hambalyo loo diray Ciidanka Qaranka iyo kuwa Amisom.

Ugu horayntii Goluhu wuxuu warbixin ka dhagaystay xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo ku wehliyey booqashadii uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ku tagay magaalada Baladweyn, waxayna sheegeen in ay ka jirto magaalada Baladweyn xaalad aad u qalafsan oo dhanka nolosha iyo deegaanka taas oo saamayn ku yeelatay nolosha dadkii ka bad baaday fatahaada iyadoona magaalada ay dhex jiifaan biyihii walina ay jiraan robab da’aya kuwaas oo hakad galin kara in xitaa diyaaraduhu ay ka dagaan garoonka mac-malka ah ee magaalada Baladweyn.

Sidoo kale Goluhu waxay sheegeen inay jiraan dadaalo kala duwan oo ay wadaan masuuliyiin ka tirsan dowlada kuwaas oo lagu doonaya sidii wax looga qaban lahaa masiiibada dabiiciga ah ee ka dhacday magaalada Baladweyne, waxaana maanta Ra’iisul wasaare Gaas magacaabay gudi wasiiro ah oo ka shaqeeya sidii gar-gaarka deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku wax yeeloobay fatahaadii ka dhacday magaalada Baladweyn.

Waxaana ka mid ah Gudiga.

1. Gudoomiyaha Gudiga. Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, Mudane: Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen. 
2. Xiriiriyaha Gargaarka.Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane: Cabdulaahi Goodax Bare.
3. Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane:C/qaadir Maxamed Xuseen Jaahweyn.
4. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane: C/qaadir Maxamed Dhicisow
5. Wasiirka Diinta iyo Awaqaafta. Mudane: Axmed Xassan Goboobe
6. Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Isboortiga. Mudane: Cabdulahi Sheekh Ali Qaloocow
7. Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane; C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Ugu danbaytii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa baaq caalami ah u diray hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay gar-gaar la soo gaaraan dadka ku wax yeeloobay fatahaadii ka dhacday magaalada Baladweyn, wuxuu sidoo kale Hambalyo u diray ciidamada Qaranka iyo kuwa Amisom guushii ay ka soo hooyeen gobolada Jubooyinka iyo sidii nabada ahayd oo ay ula wareegeen magaalada Kismaayo.

>>>DHAMAAD<<<<

 

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: