• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Ururka Wadani Oo Caasimada Hargaysa Ku Soo Bandhigay Musharax Miisan Culus Ku Leh Dhalinyarada Gobolka Maroodi Jeex.


Hargeysa-(GDN) urur siyaasadeedka Waddani ayaa maanta munaasibad balaadhan ku soo bandhigay musharax Cabdi Qani

Guuleed Cali  oo uga tartami doona  caasimada Hargeysa, Doorashada Golayaasha Deeganka ee Dhawaan Lagu
wado in ay Dalka Ka Qabsoonto.

Munaasibadan oo ka dhacday  Hotel Maroodi Jeex ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay
masuuliyiinta ururka Waddani oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee ururka Waddani
Axmed Muumin Seed, Af hayeenka Ururkas, iyo Taageeraasha Musharax Cabdi qani, Cuqaal, Waxgarad iyo
marti  sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu  horayn waxa munaasibadan  ka hadlay gudoomiye ku  xigeenka ururka Waddani  Axmed Muumin Seed
waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan musharaxan uga tartami doona caasimada Hargeysa, isaga oo
xusay in musharaxani uu wax badan ka badali doono nidaamka nadaafadeed ee caasimada Hargeysa,
waxaanu  dadweynihii munaasibadan ka soo qayb galay kula dardaarmay inay codkooda siiyaan.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay,  Musharaxa Munasibadan Loo qabtay, Cabdiqani Guuleed Cali waxana  uu
xusay, in loo baahanyahay in Caasimada wax weyn laga bedelo dhinacyada Baahiyaha Bulshada isagan ay
qorshaha uugu jirto inuu wax ka qabto, isla markaana uu wax badan u qaban doono dhalinyarada ku  dhaqan
caasimada Hargeysa oo uu xusay inuu ka caawin doono sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha haysta.

Gaba-gabadii musharaxu waxa uu ka codsaday dadweynihii  ka soo qayb galay munaasibadan inay codkooda
siiyaan si uu uga mid noqdo xildhibanada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa.
Musharaxan ayaa ka mida Musharaxinta Da,da yar ee sida weyn looga yaqaano Caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxaana uu awood badan ku leeyahay dhinaca dhalinyarad.

 

Giriyaadnews/Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: