• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Inankan Yar Ee Wasiirka Madaxtooyada Waxa Uu U Dhaqmayaa Sidii Xawaaladle Ka Shaqaynaya Xawaalad Uu Lee Yahay Inadeerkii”Eng Faysal Cali Waraabe”


Hergeisa(Giriyaadnews) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ee Somaliland, Eng. Faisal Cali Waraabe, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeeyn uu Wasiirka Madaxtooyadda Maamulka Somaliland, Xirsi cali Xaaji Xasan, ku sheegay in Faisal Cali Waraabe gacansaar la leeyahay Dowladda Somalia.

Eng: Faisal Cali Waraabe, ayaa la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan Magaalladda Hargeysa, ayaa waxa uu beeniyay Arrintaas, isagoo tilmaamay in Wasiir Xirsi Mas’uul ka ahaa Dagaaladii ka dhacay Kalshaalle iyo Goobe kale.

‘’Xirsi Cali Xaaji Xasan, ma matalo qadiyada Somaliland, inkastoo uu isagu sheeganayo inuu ka turjumayo qadiyada Somaliland’’ Ayuu yiri Faisal Cali Waraabe, oo intaa ku daray inuu ka walaacsan yahay siduu Wasiirka Madaxtooyada ugu takri falayo awooda Maamulka Somaliland.
‘’ Xirsi cali Xaaji Xasan, waxa uu afduubta qadiyada Somaliland, mana matali karo, maadaama qaab xumida uu u dhaqmayo lamid tahay sidii Xawaaladle ka shaqeynayo xawaalad ina adeerkiisa’’ Ayuu yiri Faisal Cali Waraabe, oo dhaleeceen kulul u jeediyay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo isagu hogaaminaayo Wafdiga Somaliland uga qeybgalayo Wajiga labaad ee Wada-xaajoodka Dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland oo lagu wado inuu maalinta talaadada soo socoto ka furmo Dalka Turkiga.
Dhinaca kale, Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ku tilmaamay Faisal Cali Waraabe nin kala garanla inuu matalo Somalia ama Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyada Somalilnad Xirsi cali Xaaji Xasan, oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha Hargeysa intayna u anbabixin magalaada Addis ababa ayaa soo bandhigay ugu yaraan Lix eedeymo oo ka dhan ah, Guddoomiyaha Mucaaradka Xisbiga UCID, Faisal Cali Waraabe, oo uu ku tilmaamay Qaa’inul wadan.
Si kastaba ha ahaatee, Eedeymaha uu Wasiirkaasi soo bandhigay ayaa keeni karta xiisad Siyaasadeed oo ka dhex dhaca Maamulka Somaliland iyo Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID oo iyagu u arka in bahdil iyo faquuq lagu sameeyay Hoggaamiyahooda, isla ,markaana laga saaray gudiga wada xaajoodka ee Somalia iyo Somaliland oo uu Faisal Cali Waraabe horay uga qeybgalay.
 Giriyaadnews
Hergeisa.

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: