• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Wefti Xukuumadda Somaliland U Dirtay Xal u helida Shaqaaqooyin Ka dhacay Xariirad


XARIIRAD (GIRIYAADNEWS)- Wefti Wasiirro ah oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa maanta soo gaadhay Magaaladda Xariirad ee gobolka Salel, waxaanay u socdaan xal u helida shaqaaqooyin ka dhacay deegaankaasi.

Weftigan waxa kale oo xubno ka ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo xigeenka Wasaarada Cadaalada mudane:Nuur Cismaan Guuleed.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay socdaalka weftigan, hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaasi waxay weftigu u socdaan sidii xal loogu heli lahaa shaqaaqooyin hore u dhex maray laba beelood oo halkaasi wada degan.

Weftigani waxay galabta kulankii u horeeyay la yeesheen beeshii dhawaan ninka laga dilay, kulankaasi oo socday muddo ayaa Weftigu ku booriyeen ahmiyadda nabad-gelyadda deegaanka isla markaana laga wada shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa dakanooyinka labada ardaa ee deegaankaasi kala tirsanayaan.

Warku waxa uu intaas ku daray inay magaaladda Xariirad soo gaadheen Badhasaabka gobolka Salel C/laahi Faarax Meydhane oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta Police-ka Gobolka Salel Maxamed Faarax Nuur.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: