• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Shirkad Maal-gashanaysa Beeyadda Iyo Xabagta


wasiirka-khaarajigawasiirka-khaarajigaHergeisa(Giriyaadnews

 

Flag of Somaliland Italiano: Bandiera del Soma...

Flag of Somaliland Italiano: Bandiera del Somaliland (Photo credit: Wikipedia)

 

)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shalay kulan la yeeshay shirkad ka socota dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Oliver Shore Company maal-gashi ku samaynaysaa dalka.
Wasiirka oo shalay faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen shirkadaasi ayaa waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii shirkadani ay maal-gashi ugu samayn lahayd beeyadda iyo xabagta Somaliland hodanka ku tahay, waxaanu tilmaamay in fursado shaqo ay ka heli doonaan muwaadiniin badan oo reer Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag.
Shirkaddan Oliver Shore Company oo xarunteedu tahay California dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay danaynayso inay maalgalin ku samayso Somaliland khasatan beeyada iyo xabagta gobolka Sanaag.
“Shirkadaasi fadhi dheer oo aan yeelanay ka dib waxa aanu u arragnaa inay waxtar weyn ku soo kordhin doonto ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ee beeyada iyo xabagta ee Illaahay ku manaystay Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashigu.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in shirkaddani ay wax weyn ka bedeli doonto dhaqaalaha gobolka Sanaag oo uu xusay inuu yahay ka ugu baaxad weyn dalka oo dhan, waxaanu yidhi “Waxaan rajaynaynaa inay dardargalin doonto shaqo abuurka gobolka Sanaag oo ah gobol baaxad weyn leh oo ahmiyad weyn ugu fadhiya Jamhuuriyada Somaliland aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay arrintan una soo dhawaynaynaa waxaanan rajaynayaa inay wax ka tarto arrimaha horumarka dalka ee ay dawladu doonayso in la dardargaliyo.waanan diiwaan gelinay si ay hawlaheeda u qabsato.”
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay inay waxsoo saarka xabagta iyo beeyadda Somaliland u iibgeyn doonto dal-weynaha Maraykanka.

 

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: