• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Sedex Xildhibaan Oo Hore U Qaadacay Gudashada Xilkooda Oo Soo Tanaasulay Degmada Lughaya


Lughaye Awdal Somalia

Lughaye Awdal Somalia (Photo credit: nadim2)

Lughaye Awdal Somalia

Borama(Giriyaadnews)

Wasiirka Wasaarada Dib U Dajinta Somaliland Md. Maxamed Cabdi Kaahin ayaa maanta degmada Lughaya keenay xildhibaano sedex ah oo ka soo jeeda beesha Ciise,  kuwaas oo mudo sanad ku siman ka maqnaa degmada, waxana isla maanta uu Wasiirku kulan u qabtay xildhibaanada degmada Lughaya, waxana uu kulankani noqday kii u horeeyay ee ay ka soo qayb galaan xildhibaanadaasi   sedex ah oo ka soo jeeda beesha Ciise ee ka maqnaa xilkooda, wixii ka dameeyay doorashooyinkii degmadaasi oo ay xildhibaanadani sheegeen inay iska casileen xilkooda.

Kulankan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Maayarka degmada Lughaya, iyo xildhibaano dhawr ah oo ka mid ah xildhibaanad degmada Lughaya, waxana ay wararku intaasi ku darayaan in Wasiirka dib u dajintu xildhibaanada la hadlay isla markaana ka codsaday inay soo afjaraan ka maqnaashihii xildhibaanada beesha Ciise ee degmada Lughaya, “Waa kuwan xildhibaanadii maqnaa, waxana aan sheegayaa inay diyaar u yihiin inay gutaan waajibkooda shaqo, isla markaana gabi ahaanba iska tuuraan tabashooyinkii iyo tirsashadii hore ee sababtay inay ka maqnaadaan mudo sanad ku siman degmada iyo gudashada xilkooda, waxana aan xildhibaanada kale ka dalbanayaa inay soo dhaweeyaan oo ay la shaqeeyaan” ayuu yidhi Wasiirku.

Wararku waxa kale oo ay intan ku darayaan in maalinta bari ah uu degmada Lughaya gaadhi doono wafdi uu hogaaminayo Badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal, kaasi oo halkaasi u tagi doona sidii loo dhaarin lahaa xildhibaanada, balse ilaa wali waxba lagama oga in xildhibaanadan beesha Ciise ay qaadan doonaan soona buuxin doonaan booska maayar ku xigeenka degmadaasi oo wali u banaan.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: