• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Xuska 8aad Ee Qoomiyadaha Ethiopia Oo Maanta Si Rasmiya Ugu Furmay Magaalada Jigjiga Iyo Wufuud Badan Oo Ka Qayb Gashay


OLYMPUS DIGITAL CAMERAJigjiga(Giriyaadnews)-Waxaa maanta magaalada Jiga-Jiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka furmaya dabaal degayo ku saabsan maalinta qowmiyadaha Itoobiya.
Xuskaan oo sanad kasta lagu qabto dalka Itoobiya ayaa haataan markii u horeysay lagu qabanayaa Gobolka Soomaalida reer Itoobiya.
Munaasabadan oo la qabto sanad walba ayaa lagu dhigaa gobol gaar ah, waxaana xuskan oo ah kii 8-aad lagu soo bandhigi doonaa dhaqamada qowmiyadaha sagaalka gobol ee Ismaamulka Itoobiya.
Xuskan maanta ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dhexe ee dowladda Federaalka Itoobiya, Madaxweynayaasha sagaalka gobol ee Ismaamulka Qowmiyadaha Itoobiya, Madax ka socda Maamulada Soomaalida iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya, waxaa halkaas jooga wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka ah C/llaahi Ciilooge Xirsi, madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, madaxweynaha maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe, madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Somaliland C/raxmaan Ciirro iyo mas’uuliyiin kale.
Dhanka kale, madaxweynaha maamulka ismaamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar oo hadal ka jeediyay xafladdaas ayaa sheegay in maamulkiisa ay sharaf weyn u tahay inuu markii ugu horreysay ku qabto magaalada Jigjiga xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya.
Cumar wuxuu sheegay in horumar ballaaran uu deegaanku ku tallaabsaday dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, isagoo xusay in magaalada Jigjiga uu ka muuqdo horumar dhinacyada dhismaha iyo ammaanka ah, wuxuuna xusay in wufuuddu ay ku farxi doonaan xuska qowmiyadaha Itoobiya.
Maanta oo Axad ah ayaa waxaa ka furmaya magaalada Jigjiga xuska maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya, kaasoo lagu soo bandhig doono dhaqamada kala duwan ee qowmiyadaha dalka Itoobiya ka jira, iyadoo inta ay xafladdu socoto ay jiri doonaan carwooyin kala duwan oo lagu soo ban-dhigi doono magaalada Jigjiga.
Xuskan ayaa waxaa ka qaybgalaya kumannaan wufuud ah oo ka kala socda dalalka Afrika, kuwa dariska la ah Itoobiya iyo dad kale oo dibadda Afrika ka imaanaya, iyadoo diyaargarow xooggan uu maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya
Giriyaadnews/Jigjiga/Etobiya

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: