• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

BREAKIN NEWS Ciidamada RRU-da Oo Xoog Ku Galay Wergeyska HUBAAL Goordhawayd laba Weriyana Ka Xidhay Xarunta Mareegta


BREAKNEWS              BREAKNEWS

Breakin' News

Hargaysa(Giriyaadnews)Ciidamada gaar ah ee RRU-da ayaa guud ahaanba la wareegay xarunta wargeysaka madaxa banaan ee Hubaal,sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah wariyeyaasha ka hawl gala wargeyskaasi,waxa uu sheegay xarunta oo ku taalla badhtamaha magalada Hargeysa gaar ahaan xaafadda Goljano,ciidamada ayaa la sheegay  in ay isku xeereen xarunta wargeysaka isla markaana hakad galiyeen dhaqdhaqaaqa dadka adeegsanaya agagaarka xafiiska wargeyska.

ciidamada ayaa xarunta ka kaxaystay laba ka mid ah halwadeenada wargeyskasi,isla markaana ku raad jooga masuuliyiinta wargeyska oo markaasi ay ciidamadu galeen xarunta ka maqnaa iyagu.

maaha markii u horaysay ee sidan oo kale ay ciidamada RRU-du ula wareegan xaruntan hore ayey ahayd markii sidan oo kale ay ciidamo u la wareegeen dhawr bilood ka hor isla markaana ay maxkamadi xayiraad ku soo rogtay,Wargeyska ayaa labadii maalmood u dambeeyay soo bandhigayey war uu sheegay in ay jiraan khilaaf  hoose oo u dhexeeya taliska Ciidanka Booliska,warkaasi oo uu shalay si kulul uga jawaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneral Cabdilahi Fadal Iimaan.

Dhinaca kale masuuliyiinta wargeyskan ayaa sheegaya in aan wali weerar fool xun oo lagu soo qaaday xarunta wargeyska oo uu ku soo qaaday nin la sheegay in uu askari yahay,weerarkaasi oo dhaac soo gaadhsiiyey Maxamed Jaamac Caloolay oo ah maareeyaha wargeysaka,isla markaana aan weerarkan laga gar naqin oo laga soo maleegay madaxtooyada somaliland.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: