• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Dekeda Lughaya Oo Loogu Deeqay Cagaf Ay Soo Iibiyeen Jaaliyad Ku Nool Dalka SWEDEN


 Borama(Giriyaadnews)-Waxa maanta soo gaadhay gudida ARDAA eek u hawlan dhismaha dekeda Lughaya, deeq uu nooceedu yahay Cagaf Sheewal ah oo ay ugu soo yabooheen jaaliyada reer Awdal eek u nool dalka Sweden, cagatan ayaana loogu talo galay inay qayb ka noqoto dhismaha dekeda Lughaya, waxana ka qayb galay munaasibadan, xubnaha gudida dekeda ARDAA iyo daneeyayaal kale.

Gudoomiyaha ARDAA Sh. Xasan Daahir Dhawal oo isagu ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan Jaaliyada Awdal ee ku nool dalka SWEDEN oo iyagu deeqdan wax ku oolka ah ee cagaftan ah soo diray, waxa aan leeyahay sidii uu EEBE balan qaaday ha idinka dhigo mid barakaysan xoogiina, waxa kale oo aan sheegayaa in hawshu aanay intaasi ku dhamayn loona baahan yahay in la isasii qabsado gacmaha oo laga hawl galo sidii hawshaasi bilawga ah loo balaadhin lahaa loogana dhigi lahaa mid dadkeena anfacda”

Sh. Maxamed Daahir Dhawal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahadnaqay jaaliyadaha Sweden iyo Sucuudiga ee gobolada Awdal iyo Salal & Gabilay, waxana uu sheegay inay ka hayaan dadaal hiil iyo hooba leh oo ay ku barbarjoogaan dhismaha dekeda Lughaya, Sh. Maxamed oo la dardaaraya Jaaliyadahaas waxa uu yidhi “Dhamaan Jaaliyahada waxa aan u sheegayaa in loo baahan yahay in la isku daydo oo dadaalka la kordhiyo, hadii ay qaybo cagaf keeneen, qaybaha kale waa inay keenaan agabkii kala duwanaa ee ay ku dhaqaaqi lahayd dekeda dhismaheedu, waan idiin ducaynaynaa, waanan idinku kalsoonahay, waanan idinka sugaynaa taageero intan ka balaadhan oo ay dekedu u baahan tahay”

DSC04716Eng. Bilaal oo isaguna ka mid ah gudida ARDAA ayaa ka waramay nooca cagaftan soo gaadhay waxana uu yidhi “Cagaftan waa mid cusub oo lacagta ku baxday ay dhan tahay 83500 oo doolar, way cusub tahay waxaanan u dooranay iyada oo hawsha aan ku qabanayno ka soo baxaysa, lamarkeeduna waa LW500K, waana mida ugu way nee dalka laga isticmaalo, baahiwayn oo ay dekedu qabto ayayna dabooshay, waanan u mahadnaqayaa dhamaan walaalaha soo bixiyay, waxana aan leeyahay, hawsha aan qabanaynaa waa midi ay dawladuhu qaban lahaayeen, hamiga aan hayno ee aadka u wayn ayaase u dhigma taas”

Marwo Aamina Cilmi Fariid oo iyaduna ka mid ah gudida ARDAA ayaa tidhi “Waa hawl ku dayasho mudan, waa mid ay jaaliyada Sweden ee goboladani isku xilqaantay, oo ay iyadu isku dirtay, kuna magacaaban tahay, waxa aan leenahay waan idiin ognahay, abaalna waxa idiin haya dhulkiina, waxana loo baahan yahay in la isku tashado oo gacmaha la is qabsado oo hawsha laga midho dhaliyo”

Hooyo Sacaada Nuur Geedi iyo haweenay kale oo qurbojoog ah oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa dhiiri galiyay dhamaan qurbojooga goboladan Awdal Salal iyo Gabilay, waxana ay ku amaaneen deeqdan hordhaca ah ee ay soo direen taasi oo ay sheegeen in lagu qori doono magac aan duugoobi doonin oo ah SWEDEN, sidoo kale waxa ay ka codsadeen jaaliyadaha kale ee goboladan ee ku nool dunida dacaladeeda inay is kaashadaan oo ay is guubaabiyaan oo ay deeqo tan la mid ah soo yaboohaan si loo qabyo tiro dhismaha dekeda Lughaya iyo kaabayaasha kale ee hormarinta ee u baahan wax ka qabashad

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: