• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Sadexda Xisbi Qaran Oo Maanta Ku Hesheeyey Sida Loo Qaban Doono Shirkii Talo Qaran Ee Ay Mucaaradku Iclaamiyeen Dhawaan


3Hergeisa(Giriyaadnews)-Kulan Maanta saddexda xisbi qaran ee Somaliland ku yeesheen xarunta Akadamiyadda Nabadda iyo horumarinta Somaliland, ayaa la isku afgartay in si wada jir ah ay shirka Talo-qaran u qabato Akadamiyadda Nabaddu.
Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyayaasha xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID, WADDANI iyo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa markii uu dhamaaday waxa guddoomiyayayaashaasi  xisbiyadu saxaafadda u sheegeen in la isku afgartay in shirkii doodada qaran ee xisbiyada Mucaaradka ahi abaabulayeen ay si rasmi ah u qabanayso oo ay  ku wareejiyeeb Akadamiyadda Nabadda Iyo horumarinta Somaliland , inkasta oo aanay shaacin wakhtiga la qabanayo iyo qaarbka uu u dhacayo.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa si isku mid ah u sheegay in la soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka jiray, isla-markaana la isku afgartay in shirkii talo-qaran ay qabato Akadamiyadda Nabaddu.
Kulankan ay maanta xisbiyada mucaaridka ah iyo dhinaca xukuumadda oo uu u matalayey  gudoomiyaha xisbi xaakimka kulmiye ee soo afjara is  mariwaa
Mudo soo jiitamayey oo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka,balse ilaa shalay iyo xalay kulamo madaxtooyada ku dhexmarayey gudoomiyaha Golaha wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridk ah ee wadani Cabdiraxmaan Ciro  ayaad moodaa in la isla qaatay in doodan qaran lagu wareeji cida ay markaasi xukuumaddu u aragto dhex dhexaad.

GiriyaadNews/Hargaysa/Somaliland

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: