• Soodhawayntii Ugaas Cabdirashiid Ee Lafaciise

  • Giriyaadnews Hees Wadani Ah

  • Giriyaadnews Kalasoco qABTA Heesaha Xulka Ah


  • Giriyaadnews Up Date Watch Somali TV Live



    HORN CABLE TV LIVE

    Somali Etopean tv

    Video streaming by Ustream

    <a

  • giriyaad livestream

    http://wn.com/world_press

Halkan Ka Daawo Hogaanka Dhaqanka Beelaha Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Dhismaha Dekeda Lughaya Ee Ay Gacanta Ku Hayaan Ururka ARDDAA


Boorama-(Giriyaadnews)-Shir jaraaid oo ay maanta qabteen hogaanka dhaqan gobolada galbeedka Somaliland ayaa waxa ay kaga dareen celiyeen dhismaha dekeda Lughaya, waxana uu shirkan Jaraaid ku soo beegmayaa waqti ay dadka qurbojooga ah ee ka soo jeeda galbeedka Somaliland ay ku hawlan yihiin sidii qaadhaano loogu talo galay dekeda loo gaadhsiin lahaa dalka gudihiisa.

Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo ugu horayn ka hadlay halkaasi ayaa xusay in midnimadu ay tahay mida wax walba oo guul ah lagu gaadhi karo, dhismaha dekeda Lughayana looga baahan yahay in loo midoobo, waxana uu yidhi “Waxa aan hoosta ka xariiqaynaa in hadii aan nahay odayaashii dhaqanka ee gobolada galbeedka Somaliland in dhismaha dekeda Lughaya uu yahay mid ahmiyad gaar ah leh oo loo baahan yahay in loo midoobo sidii looga qayb qaadan lahaa dhismaheeda, Waxa kale oo aan halkan ka sheegaynaa in go’aankii ay gaadheen waxgaradka beelaha Gabaduursi uu salka ku hayay in mudnaanta la siiyo dhismaha dekedaas sanadaha soo socoda, loo hogaansamo oo xil la iska saaro sidii jeebka gacanta loo galin lahaa, waxa aan si gaar ah ugu baaqaynaa jaaliyada gobolada Galbeedka Somaliland eek u nool dalka NORWAY oo aan leenahay waa in aad u hogaansantaan baaqa odayaasha iyo talada guud ee lagu gaadhay in dekeda Lughaya la dhiso, taasi oo waxii qaadhaan ah loogu soo hagaajinayo gudidii loo xilsaaray ee ah Gudida ARDAA, waxana aan leenahay waxa aan idinka codsanaynaa inaad awoodiina midaysaan oo aad awooda isugu keentaan inaad qaadhaanka ka qayb qaadataan, midnimada ayaana ah mida wax lagu yahay ee suura galinaysa in laga wada qayb qaato dhismaha dekeda Lughaya. Sidoo kale waxa aan umada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay ka qayb qaataan dhismaha dekeda Lughaya, sidoo kalena wax ka gaystaan qaadhaanka loo ururinayo”

Sidoo kale Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna hadalka qaatay ayaa hoosta ka xariiqay in baahida dhismaha dekeda Lughaya ay tahay mid la garawsaday xukuumaduna ay kaalinteeda ka qaadanayso waxana uu yidhi “Waxaanu go’aansanay inaan dadkeena iyo dadkeena hore u marino oo aan oday iyo aqoonyahan, dhalinyaro iyo xukuumi iyo dhamaanteenba ka qaybqaadano, waxa aan go’aansanay inaan baahideena kal hormarino oo aan dekeda Kaluumaysiga dhismaheeda ku dhaqaaqno oo aan shaqo abuurka iyo khayraadkeena soo bandhigno, waxaan hore u shaacinay in arintaas la isugu tago, maanta waqtigeedii baa gaadhay oo gudaha iyo dibadaba waxaan ognahay inay dhaqdhaqayo arintan lagu suura galinayo ay ka socdaan”

Isga oo hadalka sii wata waxa uu intan raaciyay Sul. Dhawal “Waxaan mar labad iyo mar sedexaad ku celinayaa in dadka ka soo jeeda Galbeedka Somaliland ay yihiin kuwa daneeyayaasha ah ee loo baahan yahay in ay ka qayb qaataan dhimaha dekedaasi, waana wax aanay cid gaar ahi lahayn, waxana aan cadaynaynaa in aanay waxba ka jirin hadalada dadka lagu jahwareerinayo ee odhanaya xukuumada Somaliland ayaa horjoogsanaysa, taasi waxba kama jiraan oo xukuumadani waa mid waxqabadka u soo jeeda oo qaybteeda ka qaadanaysa wax walba oo dhime ah oo dalka ka socda iyo kan dakada Lughaya”.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan jaaliyadaha iyo gaar ahaan jaaliyada reer Norway inay taas ogsoonaadaan oo ay mudnaanta siiyaan dhismaha dekedaasi, way jiri karaan baahiyo kale oo u baahan in laga qayb qaato wax ka qabashadooda, balse waxa aan ku celinayaa in mudnaanta ay leedahay dekedu loona baahan yahay in qaadhaankeeda la mideeyo oo la muujiyo in loo wada dhan yahay” ayuu yidhi Sul. Dhawal.

Sul. Maxamed Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxa la idinka codsanayaa inaad fulisaan baaqa naga soo baxay ee gudida midnimada beelaa Gadabuursi uu u dhan yahay taasi oo ku baaqaysa in tafaraaruqa la iska fogeeyo oo la ogsoonaado in lagu heshiiyay in la dhiso dekeda Lughaya, oo ay ka qayb qaataan cidwalba oo danaynaysa oo samafalka iyo hormarka jecel, waxa loo baahan yahay in la guuso oo arinta laga midho dhaliyo, guuskuna maanta waa dekeda Lughaya, halkaasi weeye, barbarkay ka baxdaana waa bakayle qaleen, meel ay ka janjeedhona yaanan la sheegin ee ha laga wada qayb qaato dhismaha dekeda.

Si kastaba ha ahaatee waxa xusid mudan in Salaadiintani ay si gaar ah u xuseen in Jaaliyada Galbeedka Somaliland ee ku dhaqan dalka Norway looga baahan yahay inay soo dhamaystiraan qalabkii ay balan qaadeen, sidoo kalena laga sugayo iyaga oo midaysan inay qaadhaan wax ku ool ah u soo diraan dekeda Lughaya dhismaheeda.

Xafiiska Wararka Giriyaadnews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: